|
Qof kasta ee raba inuu ganacsi bilaabo, waxaa lmuhiim ah inuu marka hore jawaab uhelo weydiimaha soosocda oo ah udubdhexaadka ganacsiga: • Aqoon ma uleedahay ganacsiga aad kudhaqaaqesid, mise qofkale ayaad kutashaneysaa? • Dhaqaale aad kubilowdo iyo mid taakuleyn ah maheysataa? • Ganasiga aad bilaabeysaa, mid horey ujiray miyaa, mise waa mid cusub? • Suuqa aad kuxisaabtameysid ayaa horey ugu jiray? • Fursadda ganacsigaadu kuguuleysan karaa intee bay la’egtahay? Kajawaabidda su’aalahaa kor kuqoran waxay kuu cadeynayaan inaad sifudud ganacsigaa uga guuleysan karto iyo inkale, waxayaabaha loo baahan yahay inaad daraasad buuxda kasameyso intaadan wax lacag ah gelin ganacsiga. haddii 5-taa su'aal, aadan jawaab SAX uhelin, waxaa lagama maarmaan ah inaad wax kabedesho habka aad ganacsiga ubilaabeysid amaba dooneyso inaad kudhaqaaqdo.
Horumarinta Ganacsiga Ganacsi kasta ee horey umarey waa mid salka kuhaya udubada horumarinta ganacsiga, kuwaas oo ay mid hihiin: 1. Aqoonta aad ganacsigaada uleedahay? - Xagga cilmiga ganacsiga iyo dadaalka barashada ganacsiga ugu jirto? - Aqoontaada xagga luuqadaha, qoraal ahaan iyo kuhadalba? - Sharciga dalka aad kuganacsaneysid sidaad aqoon ugu leedahay? 2. Lasocodka ganacsiga magaaladaada kajira ee midkaada oo kale ah. 3. Haddii qalad dhoco sidaad uga kabsan karto sideg deg ah. 4. Lasocodka Suuqa dunida iyo Saameynta uu kugu leeyahay 5. Sharciga aad kuleedahay dalka aad ganacsiga kusameyso 6. Haddii aad wax dhoofiso, adiga miyaa suuqaada toos ugeeya mise qof kale ayaa kuu raadiya 7. Hadii aad wax soodhoofsato sideebaad ugu kalsoon tahay meelaha Alaabaha lagaaga keeno.
|