Saami-Sheer PDF Print E-mail

Saami ama Sheer, waa gadshada qayb yar ama badan ee ganacsi. Sidoo kale waa maalgelin aad ku sameysaneyso ganacsi horey ujiray, tasoo aadan xag ulahayn inaad shaqaale kanoqoto, haddii aan lagu heshiin ama aadan horey ugu shaqeyneyn jirin. Waa muhiim inaad ogtahay sharikadda aad saamiga ka gadaneyso qaybta ay lacagtaadu geleyso:

Tusaale: haddii ganacsigaasi leeyahay xawaalad, Guryo, Isgaarsiin taleefan, Beero, Bakhaaro, Ceelal biyo, Maqaayado, xoolo dhoofin IWM. Sharikaddu xaq uma laha inay tiraahdo saamileyaasha, wax gado iyadoon usheegin qaybta sharikadaa aad Saamiga ay iibinayaan.

Tusaale; Saamiyada caalamiga ee la iibsadaa waxay kala yihiin

• Saamiga caadi ah,
• Saami doorasho 
• Saami bedelma

 Sharikadaha qaarkood noocyo kala duwan oo saami ama sheerar ah ayey iibiyaan, sida

Saami caadi ah:
Saamigan wuxuu leeyahay awood aad ugu fiican qofka heystaa ama gataa. dhanka badbaada, haddii ay qasaaro dhacdo

 Saami Doorasho:

Saamigan waa mid aan sida badan lahayn qasaaro, marka la garab dhigo midka Caadiga ah. Saamiluhu wuxuu qayb ka helaa faa iidada inta aan qofka Saamiga caadiga ah faa iida lasiin. lakiin waxa lasiiyaa mid aad ugu xiran qodobada sharikada udhigan, tasoo haddii sharikaddu faa iido badan heshaa aysan guud ahaan laqaybsan saamileyaasha oo dhan.

Saamiga bedelma:

wuxuu noqon karaa mid kamid ah labada kore.  waxaa kale oo saamilaha sameyn karaa, inuu meesha uu rabo uwareejoiyo hantidiisa. lacagaha Saamilaha wuxuu ukala qaybin karaa oo gelin karaa meelo kala duwan.

Sidee loo qaybiyaa Saamiyada?

Sharikaddu waa inay kudhaqantaa sharciga udegsan ee lagu maamulo Saamiga, haddii aysan lahayna runtii waa qalad in sharikadaasi dadka ka iibisaa saami. Qodobadan waa mid qofkasta oo saami kuleh sharikadda ama gadan doona musataqbalka la siiyaa, Saamileyaashu waa kuwa kuqoran diwaanka sharikadda xilliga xisaab xirka dhacayso, laguna soobandhigaa shir sanadeeda sharikadda waxay  faa iidey, qasaartay, iyo siday uqaybineyso faa iidadaa lahelay.
Qofka Saamiga lihina markaa ayuu go,aan kagaarayaa sidii uu wax yeeli lahaa.

Saamiyada ay Soomaalida kudhaqanto(tixraac).

Sida badan waxaa dhacda in Saamigu sidan kubilowdo

• Sharikadaha xawilaada, warshadaha, baqaaro iyo dukoomo, ayaa sitoos ah ama sidadban usoo bandhigaa Saami, raadiya qof ganacsigaa kaqayb gala.
• Dhowr qof oo lacag iskudarsada iyagoo bilaabaya ganacsi cusub, intabadan qoraal lama sameeyo, tasoo ah mid qalad weyn ah
• dhowr qofood oo lacag udirta qof alaab dibadda ka keenaya oo ay lacag kudartaan, ama

Saami laha iyo xuquuqda uleeyahay:

Qofkast ee Saami kudarsadaa Sharikado wax soosaara ama iibiya ama Bangi, wuxuu leeyahay cod uu doorasho kubixiyo.
Codka ugu badan waxaa inta badan leh, qofka ugu saami badan boqolkiiba hantidaa.
Haddii ay dad badani saami kuleeyihiin sharikad. waxaa la doortaa gudi ilaaliya saamile yaasha yar yar oo aan keligood lahayn cod ay kuhadlaan.

yaa iibin kara Saamiyada?

• Bangi, Sharikado ganacsi, dukaanle yar ama weyn
• Saamiga la gadaneyaa waa inuu magacaban yahay. kuwaas oo kudhaqmaaya sidan
 
Tusaale:
Ganacsi kasta, hayaraado ama haweynaado, waxaa muhiim ah inay qoraal kucadeeyaan Saamiga ay dadka usoobandhigeen qaybta ay ganacsigooda ka iibinayaan. Ganacsiga haddii aad iyo uweyn yahay, waa inay jirtaa hab uu Saamileyaasha kula socodsiiyo heerka uu ganacsigaasu marayo xagga faa iidada iyo qasaaraha
 
 

 

Doorasho

Sammal Softweer xaggee bay ku xun ama kufiican tahay?
 

Sammal Software

Download this Demo Software
Halkaan kakoobiyey Softweerka Sammal
Sammal Softweer